⭐Feature Cusub - Nidaamka Badge-yada GOLE!
Waxaan ku faraxsanahay inaan idiin soo bandhigno Badge System-ka cusub ee GOLE.
Badge-yadu waxay bulshada ka caawinayaan inay si fudud u aqoonsadaan dadka la xaqiijiyay, khubarada, iyo users-ka rasmiga ah, taasoo kordhinaysa kalsoonida iyo hufnaanta bulshada.
━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━
🔵 Verified — Aqoonsi la xaqiijiyay
Qofka waa la xaqiijiyay, waana qof dhab ah.
🟢 Expert — Xirfadle la xaqiijiyay
Dhakhtar, injineer, macallin, qareen iyo xirfadlayaal kale oo xirfaddooda la xaqiijiyay.
🟡 Official — Akoon rasmi ah
Kooxda GOLE, ururrada, iyo shuraakada rasmiga ah.
🟣 Elite — Sumcad sare
Badge-kan waxaa si toos ah loo kasbadaa marka aad gaadho 2,000 dhibcood oo sumcad ah. Cidna si toos ah uma bixiso; waxaa lagu helaa dadaal iyo waxqabad.
🟠 Moderator — Maamulaha Community-ga
Badge-kan wuxuu ka muuqdaa gudaha Community-ga uu qofku maamulo oo keliya, si bulshada ay u ogaato cidda mas'uulka ka ah maamulka Community-gaas.
━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━
📍 Halkee ayay ka muuqdaan?
Badge-yadu waxay ka muuqdaan agagaarka magaca isticmaalaha ee:
- Posts
- Comments
- Profile-ka
Ugu badnaan laba badge ayaa la soo bandhigayaa meel kasta; badge-yada kale waxaad ka arki kartaa profile-ka qofka.
✳️ Waa maxay calaamaddan?
Ma aha calaamadda ✓ ee ay isticmaalaan shabakadaha kale.
GOLE waxay isticmaashaa Summadeeda gaarka ah, oo ah astaanta rasmiga ah ee GOLE. Midab kastaana wuxuu leeyahay macnihiisa gaarka ah.
🎯 Sidee loo helaa?
- Verified, Expert, iyo Official waxaa bixiya kooxda GOLE.
- Elite waxaa lagu kasbadaa dhibcaha sumcadda.
- Moderator waxaa lagu helaa marka laguu magacaabo maamulaha Community.
━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━
Tani waa bilow oo keliya.
Mustaqbalka waxaan qorshaynaynaa inaan soo kordhinno badge-yo cusub sida:
- 🎓 Mentor
- 🌍 Ambassador
- 🏢 Verified Business
- 🎓 Jaamacado
- iyo kuwo kale.
💬 Adiga maxay kula tahay?
Badge noocee ah ayaad jeclaan lahayd inaan mustaqbalka ku soo darno?

