U bood nuxurka
GOLE Somali Network
Dood

🚨 Android Freedom: Google oo xaddidaysaa xorriyaddii Android?

AYUB SAID@aoubakVerifiedXubin Aasaasi 010 daawasho

Android waxaa muddo dheer lagu yaqaanay xorriyadda uu siinayo isticmaalayaasha. Si ka duwan nidaamyo kale, Android wuxuu kuu oggolaanayaa inaad apps ku rakibto meel ka baxsan Google Play Store — habkaas oo loo yaqaan Sideloading.

Laakiin hadda Google waxay soo kordhinaysaa nidaam cusub oo la yiraahdo Android Developer Verification, kaas oo developers-ka ka doonaya inay xaqiijiyaan aqoonsigooda si apps-kooda loogu rakibi karo Android devices-ka qaarkood.

🔍 Maxaa isbeddelaya?

Google waxay sheegaysaa in nidaamkan loogu talagalay in lagu yareeyo malware-ka iyo apps-ka waxyeellada leh.

Isbeddelkan wuxuu keenayaa:

  • Developers-ka waa inay xaqiijiyaan aqoonsigooda.
  • Apps-ka aan developer-kooda la xaqiijin waxay wajihi karaan xannibaado rakibid.
  • Waxaa jiri doona hab gaar ah oo advanced ah oo users-ka khibradda leh ugu oggolaanaya inay rakibaan apps aan la xaqiijin.
  • Shuruudahan waxaa laga bilaabayaa gobollo gaar ah, waxaana la qorsheeyay in si caalami ah loo ballaariyo 2027.

⚖️ Maxaa muran ka dhigay?

Dadka dhaliilaya qorshahan waxay qabaan in Google ay yeelanayso awood dheeraad ah oo ku saabsan cidda apps samayn karta iyo sida loogu qaybin karo isticmaalayaasha.

Waxay ka walaacsan yihiin:

  • Xorriyadda lagu rakibo APK files.
  • Independent developers iyo open-source projects.
  • Alternative app stores sida F-Droid.
  • In shirkad keliya ay noqoto albaabka laga gudbo si software loo qaybiyo.

Dhanka kale, Google waxay ku doodaysaa in xaqiijinta developers-ku ay ka caawinayso dadka inay ogaadaan cidda samaysay app-ka ay rakibayaan, ayna yareynayso khiyaanada iyo malware-ka.

💡 Maxay tani uga dhigan tahay developers-ka?

Haddii aad tahay Android developer, arrintani waxay saamayn ku yeelan kartaa sida aad apps-kaaga u qaybiso, gaar ahaan haddii aad isticmaasho APK files ama aad apps-kaaga si toos ah users-ka ugu gudbiso.

Waa muhiim inaad fahanto Android app distribution, developer verification, APK signing iyo alternative app stores.

💬 Arrinka Dooda u baahan waa;

  1. Android ma sii ahaan karaa open-source iyo open ecosystem haddii developer kasta laga rabo inuu aqoonsigiisa xaqiijiyo?
  2. Amniga isticmaalayaasha ma mudan yahay in lagu beddesho qayb ka mid ah xorriyadda ay Android ku lahaayeen?
  3. Google ma tahay inay go’aamiso shuruudaha app kasta oo lagu rakibayo telefoonka aad adigu iibsatay?

Adigu dhinacee ayaad ka taagan tahay? Ma taageeraysaa amniga cusub mise waxaad ka walaacsan tahay mustaqbalka Android freedom?

🔗 Faahfaahinta Google: https://developer.android.com/developer-verification

🔗 Akhri doodda iyo dhaliilaha: https://tuta.com/blog/android-side-load-apps-google

🔗 Petition: https://www.change.org/p/keep-android-open-stop-google-from-limiting-apk-file-usage

Faallo

Faallooyin

Gal si aad doodda uga qaybqaadato.

Weli faallo ma jirto. Noqo qofka ugu horreeya ee wax ku dara.