U bood nuxurka
GOLE Somali Network
Dood

iOS 27.2: update Amni oo Muhiim ah.

Abdirahman Yusuf@abdirahman_devModeratorVerifiedXubin Aasaasi 02 daawasho

Apple waxay 26-Oct-2026 soo saartay iOS 27.2 iyo iPadOS 27.2. update-kan ma aha mid caadi ah: waxay xallisay 163 cilad amni (CVE) oo ku jiray WebKit, kernel-ka, Apple Intelligence iyo qaybo kale oo nidaamka ah.

Waa maxay WebKit, maxayse muhiim u tahay? WebKit waa mishiinka (engine-ka) Safari ku shaqeeyo. Sidoo kale apps badan oo gudahooda bogag internet ka furma (WebView) ayaa isticmaala. Taas macnaheedu waa: haddii WebKit dalool ku jiro, bog internet ah oo si khiyaano ah loo diyaariyey ayaa keeni kara in memory-ga taleefanka la dhaawaco ama Code Amni ahayn la dhex mariyo.

Dhibaatooyinka ugu waaweyn ee la xalliyay WebKit: websites xatooyada ah ayaa sababi kara in code qarsoodi ah lagu shaqaysiiyo taleefankaaga. Kernel: Apps xatooyada loo sameeyay ayaa heli karta xog muhim ah, carqaladayn karta nidaamka, ama jebin karta xuduudaha amniga. Apple Intelligence (CVE-2026-86987): tuugada internet-ka ayaa geli kara xogtaada xasaasiga ah. Tan waxay saamaysaa iPhone 15 Pro iyo wixii ka dambeeyay iyo iPad-yada qaarkood.

Ma la isticmaalayaa daloolladan hadda? Apple ma sheegin in si toos ah loogu weeraray. Laakiin taasi kuma filna in la sugo. Bishii Sebtembar, Apple waxay xallisay dalool CoreGraphics ah oo laga yaabo in lagu weeraray dad gaar ah. Marka dalool la shaaciyo, tuugada internet-ku waxay helaan macluumaad ay ku bartaan sida loo isticmaalo. Sidoo kale ogow: daloolada qaar waxay u baahan yihiin inaad furto bog ama app xatooyadu leedahay ama soo dhex martay, Marka ma aha in iPhone kasta si fudud loo jabsan karo, laakiin khatartu way jirtaa.

Yaa cusboonaysiin kara? iPhone: iPhone 11 iyo wixii ka dambeeyay iPad: iPad Pro 12.9" (jiilka 4aad+), iPad Pro 11" (jiilka 2aad+), iPad Air (jiilka 4aad+), iPad (jiilka 9aad+), iPad mini (jiilka 6aad+) Haddii aadan weli u gudbin iOS 27, Apple waxay isla markaas soo saartay iOS 26.7.2, oo ay ku jiraan in ka badan 100 xal amni, oo ay ku jiraan WebKit. Sida loo cusboonaysiiyo

Fur Settings → General → Software Update sidoo kale iska hubi mobile backup inaad qaadato intaadan samayn sida normalka ah. Riix Update Now ama Download and Install Ku xir Wi-Fi iyo charger inta ay socoto

Gunaanad: Taleefankaagu wuxuu hayaa sawiradaada, fariimahaaga, lacagtaada iyo xogtaada shaqo. Cusboonaysiintu waa daqiiqado kaliya, laakiin waxay kaa ilaalinaysaa khatar weyn. Maanta cusboonaysii!

Faallo

Faallooyin

Gal si aad doodda uga qaybqaadato.

Weli faallo ma jirto. Noqo qofka ugu horreeya ee wax ku dara.