π Discord oo ka guuraya Electron una guurayaa Rust - Maxaa ku kallifay?
Discord CTO wuxuu xaqiijiyey in ay dib u dhisayaan desktop application-ka, iyaga oo ka guuraya Electron una wareegaya Rust, si ay u helaan app ka waxqabad wanaagsan, kana dhaqso badan, isla markaana si hufan u isticmaala RAM-ka, mar ka loo eego kan ku dhisan Technology-da Electron.
Warbixin ku saabsan early Windows 11 build ayaa muujisay inuu isticmaalayo qiyaastii 290 MB RAM β waana arrin soo jiidatay dareenka developers-ka. Halka markii hore uu iticmaalaya wax ku dhow 4GB
π§ Maxaa muhiim ka dhigaya isbeddelkan?
- Electron vs Rust
- Electron: Wuxuu developers-ka u oggolaanayaa inay desktop applications ku dhisaan HTML, CSS iyo JavaScript. Laakiin wuxuu mararka qaar isticmaali karaa RAM badan.
- Rust: Waa programming language xoogga saara performance, memory safety iyo xakamaynta resources computer-ka.
- Maxay Discord u beddelaysaa technology-ga?
Marka application uu gaaro malaayiin users, performance-ku wuxuu noqdaa arrin muhiim ah. Isticmaalka RAM-ka, xawaaraha app-ka iyo khibradda user-ku waxay saamayn ku yeeshaan tayada software-ka.
- Casharka developers-ka
Technology-ga aad mashruuca ku bilowdo ma aha khasab inuu noqdo kan aad ku sii waddo marka mashruucu weynaado. Mararka qaarkood, dib-u-dhis ama beddelka architecture-ka ayaa noqon kara go'aan muhiim u ah mustaqbalka product-ka.
π¬ Aan ka doodno!
- Ma kula tahay in Electron uu leeyahay dhibaato performance oo ku kalifta in shirkad weyn ay app-keeda dib ugu dhisto Rust?
- Haddii aad dhisayso desktop application cusub, mid kee dooran lahayd Electron mise Rust?
- Ma kula tahay in performance-ku ka muhiimsan yahay fududaynta development-ka?
Fikirkaaga nala wadaag. Waxaa laga yaabaa in dooddan ay developer kale ka caawiso doorashada technology-ga mashruuciisa.
π Akhri warka: https://go.zackshutt.com/discord-rust



Faallooyin
Gal si aad doodda uga qaybqaadato.
Weli faallo ma jirto. Noqo qofka ugu horreeya ee wax ku dara.