Skip to content
GOLE Somali Network

3 comments

Sign in to join the discussion.

Asc dhamaan xubnaha GOLE,

Magacaygu waa Abdirahman Yusuf. Waxaan ahay Software Engineer ka shaqeeya horumarinta nidaamyada bangiyada, mobile apps, web apps, backend systems, iyo automations-ka.

Waxaan xiiseeyaa teknoolojiyadda, AI, fintech, software architecture, iyo sida xalal digital ah loogu dhisi karo bulshada Soomaaliyeed.

Waxyaabaha aan inta badan ka shaqeeyo

  • iOS development: Swift, SwiftUI, UIKit
  • Backend development: FastAPI, Spring Boot, Django
  • Frontend development: Next.js, Angular
  • Databases: PostgreSQL, SQL Server
  • Banking systems: T24, ETL, integrations
  • AI tools iyo automation

Sababta aan GOLE ugu biiray

GOLE waxaan uga mid noqday si aan:

  • Aqoon u wadaagno
  • Su’aalo u weydiiyo dadka khibradda leh
  • Jawaabo uga bixiyo waxyaabaha aan garanayo
  • U barto dad Soomaaliyeed oo technology iyo hal-abuur ku jira
  • Ula wadaago projects, fikrado, iyo casharro aan ka bartay shaqadayda

Website

Waxaad iga heli kartaa: abdirahmanyusuf.com


Waan ku faraxsanahay inaan bulshada qayb ka noqdo.
Waxaan rajeynayaa inaan wax badan idinka barto, sidoo kalena aan wixii aan aqaan idinla wadaago.

Mahadsanidiin.

Barashaso wanaagsan eng. πŸ‘πŸŽŠ

Asc dhammaan xubnaha GOLE. πŸ‘‹

Magacaygu waa Ayub (Aoubak), waxaan ahay Software Engineer, Freelancer.

Waxaan inta badan ku shaqeeyaa React, React Native, Next.js, Node.js, PHP, Laravel, Supabase, iyo PostgreSQL, waxaana xiise weyn u qabaa dhismaha digital products oo xalliya dhibaatooyinka dhabta ah ee bulshada.

Meelaha aan aadka u xiiseeyo waxaa ka mid ah:

  • πŸ–‹ Graphic & Brand Design
  • πŸ’» Product Development
  • 🎨 UI/UX Design
  • βš™οΈ Backend Development
  • πŸ—οΈ System Design
  • πŸ€– Artificial Intelligence (AI)
  • πŸ” Cybersecurity

Waxaan aaminsanahay in tiknoolajiyadu aysan ahayn uun qorista code, balse ay tahay abuurista xalal wax ku ool ah oo nolosha dadka fududeeya.

Maalmahan waxaan si weyn diiradda u saarayaa horumarinta GOLE Somali Network, oo aan u arko inay tahay maskaxda aqoonta iyo hal-abuurka Soomaaliyeedβ€”meel ay ku kulmaan developers, designers, ganacsato, arday, iyo qof kasta oo doonaya inuu wax barto, wax wadaago, ama wax cusub abuuro.

Hadafkeygu waa inaan gaaro heer aan ku dhiso systems waaweyn oo la isku halayn karo, kuwaas oo door muuqda ka qaata horumarinta bulshada Soomaaliyeed iyadoo la adeegsanayo digital systems iyo advanced technology.

Waxaan ku faraxsanahay inaan qayb ka noqdo bulshadan, waxaana rajeynayaa inaan wax badan idinka barto, isla markaana aan aqoontayda idinla wadaago.

Haddii aad ka shaqeyso software development, AI, Brand Design, ama aad dhisayso startup, aad ayaan ugu farxi lahaa inaan is baranno oo aan fikrado is dhaafsanno.

Mahadsanidiin. 🀝