U bood nuxurka
GOLE Somali Network
Dood

Rate Limiting: Sidee API-gaaga Looga Ilaaliyaa Abuse?

AYUB SAID@aoubakModeratorVerifiedXubin Aasaasi 17 daawasho

Bal qiyaas API aad dhistay oo qof kasta uu request u diri karo inta jeer ee uu doono.

GET /api/posts
GET /api/posts
GET /api/posts
...

Hal user ayaa laga yaabaa inuu sameeyo boqolaal ama kumanaan requests muddo gaaban gudaheed.

Haddii system-ku aanu xad lahayn, waxay keeni kartaa:

  • Server overload
  • Database load
  • API abuse
  • Brute-force attacks
  • Kharash server oo kordha
  • Service-ka oo gaabis noqda ama hoos u dhaca

Halkaas ayay Rate Limiting muhiim ka noqotaa.

Waa maxay Rate Limiting?

Rate limiting waa farsamo lagu xaddido inta request ee user, IP address ama API client uu samayn karo muddo cayiman.

Tusaale:

100 requests / minute

User-ku haddii uu dhaafo xadka:

HTTP 429
Too Many Requests

ayaa loo celin karaa.

Sidee ayuu u shaqeeyaa?

User
  ↓
API Request
  ↓
Rate Limiter
  ↓
Ma dhaaftay limit-ka?
     ↙        ↘
   MAYA       HAA
    ↓          ↓
 Backend      429
    ↓
 Response

Tusaale

Login endpoint:

5 attempts / minute

Tani waxay yareyn kartaa isku-dayada badan ee password guessing.

Laakiin public endpoint sida:

GET /posts

waxaa laga yaabaa in loo oggolaado:

100 requests / minute

Rate Limiting ma aha hal limit oo keliya

Waxaad isticmaali kartaa limits kala duwan:

Anonymous users → 30/min
Authenticated users → 100/min
Premium users → 500/min
Login → 5/min
Password reset → 3/hour

Sidee loo hirgeliyaa?

Rate limiting waxaa lagu dhisi karaa iyadoo la adeegsanayo:

  • Redis
  • API Gateway
  • Reverse Proxy
  • Backend middleware
  • Cloud services

Redis ayaa si gaar ah waxtar ugu leh systems distributed ah, sababtoo ah servers badan ayaa wada isticmaali kara isla rate-limit state.

Gunaanad

Rate limiting ma aha oo keliya security feature.

Waa qayb ka mid ah reliability iyo scalability.

Waxay kaa caawinaysaa in hal user ama service uusan qaadan dhammaan resources-ka system-ka.

💬 Dood: API-ga aad dhiseyso, endpoint kee ayaad siin lahayd rate limit-ka ugu adag, maxaase sabab u ah?

Faallo

1 faallo

Gal si aad doodda uga qaybqaadato.

Thanks Eng, concept muhim ah oo waxtar u leh Developers-ka weeye, haddii la yiraahdo api-yada u baahan in rate Limit in loo sameeyo waxaa kamida ah:

  • kuwa OTP-ga dira,
  • kuwa lacag qabashada - Payments -MMT /wallets, and banks accounts.
  • APIs-ka Login-ka, forget pin/password/email/username --- ayadoo la ilaalinayo in userska la xadido 3 ilaa 5 iskuday, haddii intaas ka badato Lock lagu xiro account-kaas, iskudayada Qofka developer-ka Logs uu ka haysto.