3-da Aasaas ee Naqshadeynta ee Designer Kasta U Baahan Yahay
Naqshad wanaagsan kuma xirna software-ka aad isticmaasho.
Waxaad isticmaali kartaa Figma, Photoshop ama Illustrator, laakiin haddii aadan fahmin aasaaska Design-ka, shaqadaadu weli way adkaan kartaa inay noqoto mid wanaagsan.
Waxaa jira 3 aasaas oo designer kasta u baahan yahay inuu si fiican u fahmo:
1. Hierarchy — Kala-hormarinta
Qofka marka uu design-ka arko, maxay tahay waxa ugu horreeya ee uu arkayo?
Cinwaanka? Sawirka? CTA-ga?
Hierarchy wanaagsan waxay qofka ka caawisaa inuu fahmo waxa muhiimka ah iyo waxa xiga.
2. Spacing — Kala-fogaanshaha
Meel bannaan ma aha meel lumay.
Spacing wanaagsan wuxuu design-ka siinayaa neef, wuxuuna kala saaraa qaybaha kala duwan si ay u noqdaan kuwo si fudud loo akhrin karo.
3. Contrast — Kala-duwanaanshaha
Contrast wuxuu kaa caawinayaa inaad kala soocdo waxyaabaha muhiimka ah.
Waxaad ku abuuri kartaa:
- Cabbir
- Midab
- Miisaan font
- Qaab
- Meel bannaan
💡 Xusuusnow
Designer wanaagsan ma aha qofka yaqaan tools-ka ugu badan.
Waa qofka fahmaya sababta uu go'aan design u qaadanayo.
Markaad design samaynayso, ha isweydiin oo keliya:
"Ma qurux badan yahay?"
Isweydii:
"Ma si fiican ayuu u gudbinayaa fariinta?"
💬 Adiga, kee ayaad u aragtaa inuu ugu adag yahay: Hierarchy, Spacing mise Contrast?


Comments
Sign in to join the discussion.
No comments yet. Be the first to contribute.