Skip to content
GOLE Somali Network
Discussion

Naqshad qurux badan mar walba ma aha naqshad wanaagsan.

AYUB SAID@aoubakModeratorVerifiedFounding Member 01 view

Design qurux badan mar walba ma aha design wanaagsan.

Mararka qaar waxaad arkeysaa design midabkiisu fiican yahay, fonts qurux badan yihiin, sawirkuna wanaagsan yahay — laakiin markaad eegto, fariinta si cad uma gudbinayo.

Naqshada xirfadaysan waxay isku daraysaa dhowr arrimood:

🎯 1. Ujeeddo cad

Ka hor intaadan bilaabin, is weydii:

Maxaan rabaa qofka arka design-kan inuu fahmo ama sameeyo?

Haddii ujeeddadu aysan caddayn, design-ku wuu isku dhex yaaci karaa.

👀 2. Fudayd in la fahmo

Qofku waa inuusan ku qaadan waqti badan inuu fahmo waxa design-ku sheegayo.

Ka saar wax kasta oo aan fariinta wax ku kordhinayn.

📐 3. Habayn wanaagsan

Elements-ku waa inay lahaadaan xiriir muuqda.

Alignment, spacing, hierarchy iyo grid-ku waxay kaa caawinayaan in design-ku noqdo mid nidaamsan.

🔤 4. Typography sax ah

Font-ka quruxdiisa keliya ha eegin.

Is weydii:

  • Ma fududahay in la akhriyo?
  • Ma ku habboon yahay brand-ka?
  • Ma jiraan fonts aad u badan?
  • Hierarchy-ga qoraalku ma caddahay?

💡 Ugu dambayn

Naqshadda (Design) wanaagsan mararka qaar mahan ina ay ahaato mid isku cufan ee waa midda fudud ee gudbinaysa ujeedo cad.

Marka xigta ee aad design samaynayso, ha is weydiin oo keliya:

"Ma qurux badan yahay?"

Is weydii:

"Ma xallinayaa dhibkii loogu talagalay?"

💬 Maxaad u aragtaa inuu yahay khaladka ugu badan ee designers-ka beginners-ku sameeyaan?

Comment

Comments

Sign in to join the discussion.

No comments yet. Be the first to contribute.