Skip to content
GOLE Somali Network
Discussion

Contrast: habka aad u kala hormariso fariimaha.

AYUB SAID@aoubakModeratorVerifiedFounding Member 01 view

Mid ka mid ah khaladaadka ugu badan ee designer-ku sameeyo waa inuu isku dayo inuu wax walba soo bandhigo.

Headline-ka waa weyn.
CTA-da waa weyn.
Sawirka xooggan.
Midabo badan.
Qoraal walba waa bold.
Element walbana wuxuu doonayaa dareenka qofka.

Natiijada waxay noqanoaysaa in Indhuhu meel ay ku bilaabaan heliwaayaan.

Taasi waa meesha Contrast uu muhiimka ka noqdo.

Contrast ma aha oo keliya in aad isticmaasho laba midab oo iska soo horjeeda.

Contrast waa inaad qofka u sheegto:

“Kan marka hore eeg. Kan xiga akhri. Kan ugu dambeeyana faham.”


🧠 Designer-ku wuxuu maamulaa dareenka qofka

Marka qofku design-ka arko, ma akhriyo wax walba isku mar.

Wuxuu sameeyaa go'aanno degdeg ah:

  • Maxaan marka hore eegayaa?
  • Maxaa muhiim ah?
  • Maxaan akhriyaa?
  • Maxaan iska dhaafaa?

Designer-ka shaqadiisu ma aha inuu wax walba qurxiyo.

Shaqadiisu waa inuu kala hormariyo muhiimadda.


Tusaale fudud

Bal qiyaas poster leh:

30% OFF
Summer Sale
Shop Now

Haddii saddexduba isku cabbir, isku weight, iyo isku color yihiin, qofka wuxuu helayaa saddex fariimood oo halmar wada muuqda.

Laakiin haddii aad sameyso:

30% OFF → fariinta ugu weyn
Summer Sale → waxay sharxaysaa fariinta
Shop Now → waa ficilka la rabo

Markaas design-ku wuxuu leeyahay jihada uu qofka ku hagayo.

Taasi waa contrast.


Contrast waxaad ku abuuri kartaa wax ka badan color

Waxaad isticmaali kartaa:

  • Size — weyn vs yar
  • Weight — bold vs regular
  • Color — xooggan vs deggan
  • Space — cufan vs bannaan
  • Shape — adag vs jilicsan
  • Typography — display vs body
  • Position — meel muhiim ah vs meel taageero ah

Laakiin waxaa jirta hal xeer oo muhiim ah:

Ha abuurin contrast sababtoo ah design-ku sidaas ayuu u qurux badan yahay. Abuur contrast sababtoo ah fariintu sidaas ayay u baahan tahay.


⚠️ Khaladka labaad: Contrast badan

Qaar waxay maqlaan “contrast” oo waxay moodaan:

Bold badan = contrast
Colors badan = contrast
Large text badan = contrast

Maya.

Haddii wax walba ay si wayn loo muujiyo, wuxaa lumaya macnihii dhabta ahaa.

Contrast wuxuu shaqeeyaa marka hal element uu helo fursad uu ku soo baxo, halka kuwa kale ay taageeraan.

Sida nolosha oo kale:

Haddii wax walba aad mudnaanta koowaad siiso, mudnaan koowaad ma jirayso.

Design-kuna sidaas ayuu u shaqeeyaa.


🎯 Sida aad u tijaabin karto design-kaaga

Ka fogow design-kaaga dhowr ilbiriqsi.

Markaad dib u eegto, is weydii:

1. Maxaan marka hore arkay?
Taasi ma ahayd waxa ugu muhiimsanaa?

2. Maxaan marka labaad arkay?
Waxay iga caawisay inaan fahmo fariinta?

3. Maxaa indhahaygu ku mashquuleen?
Haddii ay yihiin wax aan muhiim ahayn, contrast-kaagu khalad ayuu noqon karaa.

4. Haddii aan colors-ka ka saaro design-ka, hierarchy-gu wali ma shaqaynayaa?

Tijaabadaas ugu dambeysa waa mid aad u fiican.


🧩 Casharka weyn

Designer wanaagsan ma isku dayo inuu qofka tuso wax walba.

Wuxuu go'aamiyaa:

Waxa la arko.
Waxa la akhriyo.
Waxa la xasuusto.
Waxa la sameeyo.

Taasi waa sababta contrast-ku u yahay wax ka badan principle design.

Waa habka aad u kala hormariso fariin.

Design-ku ma aha inaad wax walba ka dhigto kuwo muuqda.
Waa inaad ogaato waxa mudan in la arko.


💬 Doodda

Markaad design aad ku qanacsan tahay dib u eegto, maxay tahay hal element oo aad had iyo jeer hubiso inuu yahay kan ugu horreeya ee indhuhu qabtaan?

Comment

Comments

Sign in to join the discussion.

No comments yet. Be the first to contribute.